Maddaxweynaha oo xaley kulan la qaatey baarlamaanka cusub

0
58

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada xildhibaannada baarlamanka federalka Soomaaliya iyo murashaxiintii xilka madaxweynenimo kula tartamay.

Kulankan ayuu madaxweynuhu ugu mahad-celiyay xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kaalintii ay ka qaateen doorashooyinkii madaxtinimada dalka, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa guddoonka sare ee baarlamaanka oo uu ugu horreeyo afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo xilkan loo doortay 10-kii bishan, lana caleemo saaray isla 16-kii bishan.

Maddaxweynaha ayaa baarlamaanka ugu hamblayeeyo waxqabadkoodii wanagsanaa iyo dulqaadka ay muujiyeen intii doorashooyinku socdeen, waxaana leeyahay mudanayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin dadaalkiinii; mirihiisiina waa lahayaa.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono sugidda ammaanka, iyadoo ay ku dhinac socoto dhismaha dowladda oo hadda uu ku howlan yahay wadatashi ku aadan sidii uu u soo magaacaabi lahaa ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisa dowlad tayo leh.

Daafeet.Com