Qaramada midoobey oo ugu baaqdey maddaxweynaha cusub inuu dhiso dowlad tayo leh

0
63

Golaha oo kulan ay shalay ku yeesheen magaalada New York ku soo hadal-qaaday xaaladda Soomaaliya ayaa qiray sida ay ugu qanacsan yihiin inay Soomaalida helaan nidaam rasmi ah kaddib 8 sano oo ay ku jirtay kumeel-gaarnimo.

Wuxuu Golaha Ammaanka ku taliyay in dowladda la dhisayo ay noqoto mid dardar-gelisa horumarka uu waddanka ku tallaabsaday.

Sidoo kale maamulka cusub ee Soomaaliya ayuu kula taliyay inuu ku dedaalo soo celinta dhammaan adeegyadii aas-aasiga ahaa ee bulshada iyo hay’adihii dowliga ahaa, isla markaana ay ka qeybqaadato dib u heshiisiinta.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ballan-qaaday inay taageerayaan dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya.

Daafeet.Com