Wasiirka arimaha dibada ee dalka kenya oo shegey inuusan oran hadalkaas oo laga been abuurey

0
62

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri ayaa iska diiday in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee toddobaadkii hore lagu weeraray hoteel uu deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Ongeri oo wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi ayaa sheegay in wararkii ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa gudaha Kenya qaarkood aysna ahayn run, ayna ahaayeen kuwo lagu doonayay in sharaftiisa wax loogu dhimo.

Wasiirka ayaa shirka jaraa’id qabtay kaddib markii safiirka Soomaaliya ee Kenya uu u gudbiyay warqad cabasho ah oo ku saabsan hadalkan. Iyadoo la xusuuto in sidoo kale uu ka hadlay arrintan madaxweynihii la eedeeyay Shariif Sheekh Axmed isagoo iska fogeeyay arrintaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya iyo wafdi la socday ayaa ku sugnaa hoteelka xilliga ay qaraxyada ismiidaaminta ah dhacayeen, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarka madaxdii hoteelkaas ku sugnaa.

Daafeet.Com