Faahfaahim kasoo bexeysa qaraxii galabta ka dhacay magalada muqdisho

0
221

Wararka naga soo gaaaya Isbitaalka Madiina oo ah Halka la gaarsiiyay dhaawacyada qaar kamid ah Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Degmada Xamarweyne ayaa sheegay in ay sii kordheen .

Wariyaasha kala ah Liibaan Cali Nuur ,Csataar Daahir Sabriye,Craxmaan Yaasiin oo dhamaan Isbitaalka Madiina loo geeyay dhaawac ahaan ayaa waxaa la sheegayaa in haatan ay Geeriyoodeen .

Wariyaashan oo dhamaan ka howlgalayay Magaalada Muqdisho kana kala tirsana Warbaahinta Qaraxanka Muqdisho iyo Idaacadda VOD-Radio Xamar ayaa la xaqiijiyay Geeridooda .

C/raxmaan Yaasiin waxaa uu ahaa Agaasimaha Idaacadda VOD-Radio Xamar halka Liibaan Cali Nuur iyo ,C/sataar Daahir Sabriye ay iyaana ka mid ahaayeen Shaqaalaha Radio-Muqdisho waxaana Wariyaashan ay u geeriyoodeen Dhaawac ka soo gaaray Qarax ka dhacay Agaarga Aqalka Hooyinka .

Qaraxa ayaa la Xaqiijiyay in uu ahaa mid Ismiidaamin ay oo ay geysteen Laba Ruux isku soo rakibay wax yaabaha Qarxa sida uu Idaacadda Risaala u Xaqiijiyay Maxamed Daahir Taliyaha Degmada Xamerweyne ee Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay ku dhinteen Qaraxa14 Ruux kuwaasi oo isugu jira Wariyaal iyo Dad Shacab ah tira intaasi ka badanna ay dhawaac kasoo gaareen.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo lagu shaaxo kuna taal guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne halkaasi oo ay isugu imaan jireen qaar kamid ah Wariyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho Mas,uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Dad Shacab ah .

Daafeet.Com