Fu’aad Maxamed Aadan Qalaf Shongale oo kamid ah saraakiisha Ururka Al-Shabaab oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu ugu baaqay dhamaan shacabka reer Kismaayo inay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Gobalkaasi.
Sheekh Fu’aad ayaa wuxuu sheegay in raga dhalinyarada ah looga baahan yahay inay galaan dagaalada islamarkaana naftooda ay u huraan difaacida diinta Alle.
Wuxuu sheegay in qof waliba aysan aheyn shardi inuu qaato qori balse loo baahan yahay qaab kale ee lagu dagaalamo inuu qaato dagaalkana uu dhinac ka galo.
Sheekh Maxamed Fu’aad Shongale wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Jubbooyinka aysan muujin niyad jab balse uu usheegayo in ciidamada huwanta ah ay ku jabeen dagaalada Jubbooyinka sida uu sheegay.
Daafeet.Com