Guddoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in dib loo howlgaliyay garoonka diyaaradaha ee deegaanka No-50.
C/qaadir Maxamed Nuur ayaa wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Garoonka uu yahay mid furan islamarkaana diyaaradii ugu horeysay ee ay leeyihiin UN-ka ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha No-50.
Waxaa kaloo uu intaasi ku darey in dhamaan shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose ay arintaasi farxad u tahay maadaama dib loo howlgaliyay garoonka islamarkaana diyaarad waliba ay soo caga dhigan karto.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in diyaaradaha sida rakaabka ay kasoo dagi karaan islamarkaana dhawaan dib u habeyn lagu sameyn doono xafiiskii saadaasha hawada ee garoonka No-50.
Daafeet.Com