Madaafiic xaley lagu weerarey degmooyinka shibis iyo boondheere

0
78

Hoobiyeyaal aan la garaanyn halka ay ka yimaadeen ayaa waxay xaley ku dhaceen guryo ay daggan yihiin dad shacab ah iyo kaam ku yaalla degmada Boondhere, halkaasoo u ka dhashay khasaarihii ugu badnaa.

Hoobiyeyaasha ku dhacay degmada boondheere  ayaa ilaa iyo imanka inta la ogyahay waxaa ku dhintey hal qof waxaana ku dhaawacmey ilaa iyo 13 qofood, kuwii ku dhacay degmada shibisna waxaa ku dhintey laba ruux.

Dhaawacyada ka dhashay duqeynta ayaa qaarkood isla xalay la gaarsiiyay isbitaallada Keysaney oo ku yaalla duleedka Bari ee Muqdisho iyo isbitaalka Madiina oo ku yaalla dhinaca Koonfureed ee caasimadda.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay xalay lix madfac ku weerareen madaxtooyada Soomaaliya, balse lama oga khasaaraha ay geysteen, iyadoo hoobiyeyaashii khasaaraha geystay ee ku dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibbis ay tiradoodu ahayd sideed hoobiye.

Si kastaba arintu ha ahaatee hoobiyeyaashan ayaa waxaa ay noqonayaan markii ugu horreysay oo duqeymo noocan oo kale ah ay ku dhacaan degmooyin Muqdisho saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.

 

 

Daafeet.Com