Ururka dhalinyarada shabeelaha hoose oo bandhig faneed ka sameeyey dalka Sudan

0
73

Ururuka dhalinyarada shabelada hoose ( lower shabelle youth union ) ee qeebta sudan , dhalinyardan aya dhamantooda waxa ay ku nool yihin dalka sudan magaloyinkisa kala duwan sida khartoum iyo meelo kale, hadana dhalinayaradas inta badan waxa ay ka bartaan jaamacadaha ku yaala dalka sudan.

Dhalinyaradan ayaa waxaa ey bandhig faneed ka sameeyeen dalka suudaan Bandigas oo ey kasoo qeyb galeen dhalinyaro badan oo ku kala nool gudaha wadanka sudan , sidoo kale waxa madashaas jogay gadomiyaha ururka lower shabelle youth union ee qeebta sudan Abubakar Ahmed Haji Hassan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan isla ururkan lower shabelle youth union.

Waxaa goobta ey xaflada ka dhaceysey ka hadley gadoomiyaha ururka qebta sudan asigoo dareenkiisa farxadeed ee ku aadan ururkan ka muujiye meesha, waxa kalo ka hadlay arday badan oo wax ka barata jaamacadaha dalka suudaan kuwaasoo meesha ka muujiyey sida ey ugu faraxsan yihiin barnaamijyada hidaha iyo dhaqan ee meesha lagu soo bandhigey.

Waxa kaalo isla goobtaa ka hadlay xoghayaha guud ee ururka qebtiisa sudan Abdullahi Ahmed Hassan isagoo shegay in ay u tahay farxad iyo hormar dhamaan umada somaliyeed qasatan kuwa kasoo jeeda gobolka shabelada hoose aayna tahay hormar lagu faani karo howshan wanagsan ay qabteen.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa kaloo uu sheegey in howshani wanaagsan oo ey qabteen ururka dhalinyarada shabeelaha hoose qeybteeda sudan in ey tahay mid kudayasho mudan, waxu amaan iyo bogaadin usoo jeediyay aas aasaha ururkan oo ku sugan dalka swedan , waxuuna ugu dambeentii ugu baqaay dhaman dhalinyarada somaliyeed inay sameyan hormarkaan oo kale wayo dhalinyaradu wa udub dhexaadka wadanka ayaga ayana nabad iyo hormar kusoo dabaali kara wadankooda.

Waxa kaloo goobta uu bandhiga ka socday ka hadlay masuulyiin ka tirsan sudan iyo masuliyinta jamacada ifriiq al caalami, Odayaal, Aqoonyahano, waxaa qudbad wax ku ool ah goobta kasoo jeediyey prof: Ibaahim Ali Rooble asigoo ugu baqay dhamaan dhalinyarada somaliyeed in ay ka shaqeeyaan hormarka wadankooda iyo weliba inay xooga saaran sidii aay nabad ugu soo dabaali lahayeen wadankooda iyo ineey ku dadaalan wax barashada oo ay gacanweyn ka geystaan siidi loo helilahaa goobo wax lagu baro caruurta somaliyeed ee aan maanta awoodin inay waxbartaan .

 

Daafeet.Com