Ururka midowga dhalinyarada shabelaha hoose oo looga dhawaaqey dalka Sweden

0
76

Urur loogu magacdarey Midowga dhalinyarada Shabeellada Hoose ayaa looga dhawaaqey dalka Swedan,kaas oo ay ku midoobeen dhalinyarada ka soo jeedda gobolka Shabeellada Hoose ee ku dhaqan dalalka Yurub,waxana asaaska urukan horumuud ka ahaa Abuukar Cali Maxamednuur Siiddi (Abuukar Yare).

Uurka ayaa waxa uu laamo ku leeyahay dalalka Yurub sida , Italy, Norwey,Swedan,Denmark iyo Africa sida sudan, Masar, dalalka Turkey iyo Yeman waxana mardhow laga hirgelin doonaan dalka gudihiisa,gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

Muhiimada ugu weyn ee ururka loo aasaasey ayaa waxaa ey eheyd  ka dib kolkii la arkey in loo qabo baahi weyn isku xerka iyo wax u qabadka bulshada ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa la isla gartey in ururkan uu ka shaqeeyo qodobadan soo socda.

1): In la mideeyo dhalinayarda gobolka shabeleada hoose dhamman meel kasta ay joogan ha noqoto kuwa jooga gudaha dalka iyo kuwa ku kala maqan qurbaha .

2): Inan ka dhax shaqayno xiirkooda sida aan iskugu xiri lahayn dhamman dhalinyarta gobolka shabelada hoose .

3):inan caawino mid kasta oo dhiban oo u dhashay gobolka , hadii ay noqon lahayd dhan caafiimaad , wax barasho , iyo haddii ay la soo deresto dhibato .

4):Hadii uu awoodi wayo muwaadinka u dhashay gobolka qarashad uu wax ku barto inaan ka cawinno wax kasta ay nagu qaadato , si aan u helno dhalinayaro aqoon leh oo mustaqbalka wax tarta shacabkooda gobolka .

5):In aan ka furnaa gobolka goobo caafimaad iyo goobo waxbarasho iyo goobo lagu cibaadeesto , Dugsiyo Quran Masaajiddo, iskuulaad iyo cusbitaallo.

6): Ardayga ka qalin jibiya high school in aan u raadino waxbarasho Jaamacad ha noqoto gudaha dalka ama dibadda ,

7): In aan u gurmano dadkeena degan gobolka hadii ay asiibto dhibaatooyinka dabiiciga sida abaaraha iyo cudurada oo.

8): Hadii ay la soo deresto hooy laaan dhalinyarta inaan u sameyno hooy ama gobo lagu xanaaneeyo , iyo in aan u sameyno meel ay ku kulmaan oo ay ku qabsadaan shirarkooda iyo xafladahooda .

9): Inan la socono dhaqdhaaqa ka socda gobolkeena sida hay “hayadaha ka howl gala inay gaarsiyeen adeegii ay xaqa u lahaayeen dadka degan gobolka , iyo in laga shaqaaleeyaa dhalinyarta gobolka u dhalatay hay”

10): In aan ka qeyb qaadano dhismaha wadooyinka gobolka iyo inaan u sameynaa dadka Beeraleeyda ah adeeg ka haqabtira baahida ay u qaban tacabashada berahooda sida , kanaalo Biyo gaarsiya oo u waraabiya beeraha iyo agab ay ku fashaan beerahooda iyo inaan gacan ka geysanno haddii ay dhacdo fatahaadda dhinaca webiga.

 

 

Daafeet.Com