Madaxweynaha Soomaaliya Prof; Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Qaraxyadii xalay ka dhacay Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne kaasi oo Sababay Geerida in ka badan 14 iyo dhaawacyo intaasi kasii badan .
Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in ay muujineyso Qaraxyadaasi in Ururka Al-shabaab ay ka sii dhamaaneyso haddii ay wada hadal ahaan laheyd sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheikh .
Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha in Qaraxyadan aaney waxba ka badali doonin Siyaasadda Dowladda balse waxaa uu sheegay in Naftooda iyo Tan shacabkaba ay Qatar galinayaan sida uu sheegay.
Waxaa sidoo kale uu shegay Madaxweyne Xasan Sheikh in Amniga dalka uu muddo dhaw soo Dhameys tirmi doono .
Daafeet.Com