Reysulwasaarihii hore ee xukuumada C/wali Maxamed Cali Gaas oo goordhaw warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxa uu canbaareeyay falkaasi waxaana uu ku tilmaamay mid waxuushnima ah oo ay sameeyeen sida uu sheegay dad wax magarata ah waxana uu uga tacsiyeeyay dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday eheladii iyo asxaabtoodiiba waxaana uu alle ugu baryay in uu naxariistiisa siiyo.
Isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in shabaab markii looga soo adkaado jiida hore ee dagaalka ay wax yeeleenaan dadka shacabkaa sida uu sheegay waxana uu intaa siidaba dhigay in Al-Shabaab uu haatan waqtigoodii dhamaaday inta hartayna ay israacin doonaan sida uu sheegay Gaas.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaad moodaa in dowlada somaliya iyo ku amisom eysan sugi karin amaanka shacabka aan waxba galabsan ee maalin walba sida naxariis darada ah loogu dilo magalada muqdisho taasoo ey ka dambeeyaan dad aan ilaa iyo hada la garan hadafka siyaasadeed ee ey leeyihiin.
Daafeet.Com