Wariyeyaashii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, iyadoo tani ay ka dhigayso tirada wariyeyaasha lagu dilay sannadkan Soomaaliya 12-wariye oo intooda badan ku dhintay Muqdisho.
Saddex wariye oo laba ka mid ah ka tirsanaa idaacadda iyo telefishinka dowladda ayaa ku dhintay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo tiro kale oo wariyeyaal ahna ay ku dhaawacmeen.
Wariyeyaasha dhintay ayaa waxay kala ahaayeen: Cabdiraxmaan Yaasiin oo ahaa agaasimaha idaacadda VOD, Liibaan Cali Nuur iyo Cabdisataar Daahir Sabriye oo ka tirsanaa iyaguna idaacadda iyo telefishinka dowladda Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab oo lagu eedeeyay weerarradan oo ahaa kuwo ay fuliyeen laba nin oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaan weli ka hadlin, balse mas’uuliyinta dowaldda ayaa ku adkeysanaya inay ahaayeen weerarradan kuwo ay Al-shabaab soo abaabushay.
Daafeet.Com