Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada oo kaabiga ku haya degmada jowhar

0
69

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaanka Booroow oo 17-km koonfur kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo gudaha degmadaas laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan xoogagga Al-shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadooda ay saakay ka dhaqaaqeen deegaanka Qalimoow oo 30-km u jira degmada Jowhar ayna gaareen deegaanka Buuroow oo ku dhow degmada Jowhar.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa bishii Juun ee sannadkan qabsaday degmada Balcad oo 30-km waqooyi kaga beegan Muqdisho halkaasoo ay xoogagga Al-shabaab gacanta ku hayeen.

Al-shabaab kama aysan hadlin arrintan, iyadoo aan sidoo kalena la ogeyn inay ku dagaalami doonaan gacan ku haynta degmada Jowhar oo ay la wareegeen billowgii sannadkii 2009-kii iyo inay isaga bixi doonaan sidii ay uga baxeen degmooyinkii ka horreeyay sida Baladweyne, Baydhabo, Marko iyo Xudur.

 

Daafeet.Com