Dowlada mareykanka oo cambaareysey qaraxii ka dhacay magalada muqdisho

0
62

Dowlada Dalka Marekanka ayaa canbaareyn kulul dusha kaga tuurtay dadkii ka dambeeyay qaraxii maalin ka hor lala eegtay goob ay ku sugnaayeen wariyaal dhowr ah iyo waliba dil maalintii shalay ahaa Magaalada Muqdisho lagu dilay wariye u shaqeynayay Idaacadaha maxaliga ee ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Safaarada Mareykanka ay ku leedahay dalka Kenya xafiiskeeda warqad qoraal ah oo ka soo baxday ayaa lagu sheegay in Mareykanka si weyn ay kaga xun tahay dilalka qorsheysan ee loo geysto wariyaasha iyadoo ugu danbeysay labadii maalin aynu soo dhaafnay wariyaal dhowr ah la dilay ayaa qoraalka lagu sheegay.waxaynu Mareykanka tacsi u diray dhamaan dadkii ku geeriyooday ehaladooda.

Mareykanka ayaa sheegay in waxii dhacay maalintii khamiista ee rag naftood hurayaal ah ay ku galeen goob maqaaxi ah ay ku sugnaayeen wariyaal iyo dad shacab ah ay tahay mid waxuushnimo ah islamarkaana aan loo baahneyn in la dabar gooyo indhayr garadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in maalintii shalay ugu danbeysay la qaarajiyay wariye ka howlgalayay warbaahinta Radio Maanta oo ku taala magaalada Muqdisho kaaso la dilay isagoo ku howlan howlahiisa shaqo.

Daafeet.Com