Toddobo qof oo ka tirsanayd maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo diyaarado miigag ah ay ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Buula-guduud oo 30 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Weerarka oo dhacay galabta waxaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhigga oo ay Al-Shabaab hubka iyo saanadaha kale ee dagaalka. Wuxuu sidoo kale ahaa xarun ay ku kulmaan maleeshiyada ay Al-Shabaab ka soo ururiso degmooyinka Jilib, Kamsuuma iyo Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Birta-dheer ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeynta.
Culeyska lagu hayo alshabab ayaa beryahan noqdey mid aad u weyn oo dhan kasta ah ayagoo markii horaba dagool looga hayey dhinaca dhulka aya hadana waxaa beryahan dambe lagu bilaabey in midka cirkana loogu daro si loo wiiqiyo awoodooda.
Daafeet.Com