Laba qarax ayaa maanta waxaa ey ka dhaceen magaalada gaarisa ee dalka kenya qaraxaas oo geystey qaraaso badan qaraxaan ilaa iyo hada inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmey 12 qof oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada Kenya ee loo yaqaan GSU (General Service Unit).
Qaraxyadan oo ahaa laba qarax ayaa waxa kii ugu horeeyay lala eegtay gaari lorry ah oo ay wateen saraakiisha xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee isbitalka guud ee magaalada Garissa.
Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay isla goobta wax yar un kadib marki goobta shilka ka dhacay ay gaaren saraakiil iyo ciidamo katirsan kuwa booliska, waxaana labada qarax ay sababeen dhaawac sedex qof oo rayid ah iyo afar sarkaal oo katirsan ciidamada Kenya.
Taliyaha booliska Garissa Philip Tuimur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay qaraxa, wuxuuna xusay in ilaa iyo haddan aysan jirin cid loo qabtay qaraxyadaasi.
Daafeet.Com