Xildhibaan lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Cabdullaahi oo xubin ka ahaa mudanayasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa caawa maqribkii lagu dilay magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka lagu dilay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Dilka waxaa gaystay rag ku hubeysanaa bistoolado oo markiiba ka baxsatay goobta.
Si kastaba arintu ha ahaatee dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada muqdisho ayaa beryahan dambe dib usoo cusboonaadey 2 maalin ka hor ayey eheyd markii ey qolooyin ismiidaaminaya ay ku dileen ilaa iyo 14 qof magaalada muqdisho.
Daafeet.Com