250 ciidan oo ka tirsanan jirey alshabab oo isku soo dhiibey ciidamada dowlada

0
42

Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen shalay oo Sabti ahayd 250 dagaalyahan oo ka tisran Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay kasoo tageen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in dagaalyahannadan ay isku soo dhiibeen ciidamadooda ku sugan deegaanka Garsaale oo 10-km u jira degmada Jowhar, isla markaana Muqdisho kaga beegan dhinaca waqooyi 80-km.

AMISOM waxay sheegtay in dagaalyahannadan isku soo dhiibay ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare, iyagoo sheegay inay wateen 80 qori oo kuwa fudud ah, ayna soo goosteen kaddib markii ay go’aansadeen inay ka qaybqaatana howgallada looga horjeedo kooxdii ay ka tirsanaan jireen.

Dagaalyahan ka tirsanaa xoogagga soo goostay oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in sababta ay uga soo tageen kooxdii ay ka tirsanaayeen ay tahay kaddib markii ay ku qanci waayeen howshii ay ku jireen; mana bixin faahfaahin intaas ka badan.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in dagaalyahanno ka tirsan xoogaggooda ay isku dhiibeen AMISOM.

Daafeet.Com