Howlgalo xaley laga sameeyey degmooyinka Hodan,Waaberi iyo Wadajir

0
72

Howlgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan ayay cidamada amaanka dowladdu xalay ka sameeyeen degmooyinka, Waaberi, Hodan iyo Wadajir, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen guryaha iyo gaadiidka.

Inkastoo saraakiisha howlgallada hoggaaminayay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan tirada dadka ay kusoo qabqabteen howgallada iyo tuhunnada ay ka qabaan ayaa haddana waxay sheegeen in howgalladu ay ahaayeen kuwo ammaanka lagu sugayay.

Muqdisho ayaa waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay ahayd mid uu ammaankeedu fara kasii baxayay, iyadoo ay ka dhacayeen qaraxyo ay dad badan ku dhigeen iyo dilal qorsheysan oo kuwii ugu dambeeyay ay dhaceen laguna dilay xildhibaan iyo haweeney ganacsato ahayd.

Waa markii ugu horreysay oo tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya howgallo noocan oo kale ah laga sameeyo Muqdisho, iyadoo lagu waddo in maanta ay saraakiisha ciidamadu ka warbixiyaan howgalladii xalay la sameeyay.

Xaaladda Muqdisho ayaa saakay daggan, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari uu sheegay in dilka mudanaha loo geystay uusan ahayn mid ka horjoogsan doona howlahooda.

Daafeet.Com