Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed oo xalay kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada waaberi xilli uuu gurigiisa sii galayey.
Aaska xildhibaanka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan waxaana xildhibaanka lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaala Degmada Wrdhiigley ee Gobalka Banaadir.
Masuuliyiinta aaska kasoo qeyb galay ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo masuuliyiin kale.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeyay ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay cafiyaan.
Dilka xildhibaanka ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya dagaal xoogan kula jirta.
Daafeet.Com