Baarlamaanka oo maanta kulan ku yeeshey xarunta golaha shacabka

0
54

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Kalfadhigii ugu horeeyay waxa ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaas waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheikh Ismaaaciil Jawaari iyo sidoo kale Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ah mid haatan si Rasmi ah ugu soo gaba gaboobmay Xarunta Golaha Shacabka iyadoona halkasi lagu dhaariyay Laba Mudane oo kamid noqonay Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya taasi oo tirada Guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka ka dhigeysa ilaa 273 Xildhibaan.

waxaa kulankasi inta uu socaday lagu magacaabay Xubnaha Guddiga xeer hoosaadka baarlamaanka soomaaliya

Sidoo kale waxaa Hadal looga dhageystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kulankii uu la qaatay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga kaasi oo ay kaga wada hadleen Sidii loo dhisi si lahaa Xarunta Golaha Shacabka .

Daafeet.Com