Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaadka yahay, C/weli Maxamed Cali ayaa ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka dowladaha aduunka.
C/weli Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Ummadaha Midoobay, isagoo hadal ka jeedin doona shirka golaha ammaanka maalinta Khamiista ah ee soo socota, iyadoo la sheegay in madaxweyaha cusub Soomaaliya ee uu horay u sheegay inuusan ka qaybgalayn shirka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay inuu ka baaqday ka qayb-galka shirka guud ee Qaramada Midoobay, isagoo taas ku sababeeyay inay horyaallaan howlo badan, sidaa daraadeedna uusan dalka ka tagi karin.
Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in C/weli Gaas uu Soomaaliya uga qaybgalo shirar looga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka, kuwaasoo ka dhici doona dalka Mareykanka.
Daafeet.Com