Dagaal qasaaro geystey ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka lafoole halkaaso oo ey isku fara saareey ciidamo beeleedyada sita dharka dowlada ee ku sugan deegaankaas asaga ah, inta la og yahay ilaa iyo hada waxaa halkaas ku dhintey labo askari.
Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas oo 20-km dhinaca galbeed Muqdisho kaga beegan ayaa sheeagy sheegay inay arkeen maydadka labada askari, dagaalkuna uu socday muddo saacad ku dhow.
Saraakiisha dowladda weli kama hadlin sababta dagaalka dhalisay, balse dadka ku sugan deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay isku khilaafeen isbaaro halkaas taallay oo gaadiidka looga qaadayay lacago.
Xaaladda ayaa hadda deggen, iyadoo ciidamadii dagaalamay goobta la qaaday, waxaana halkaas ku sugan ciidammo kale oo la socday saraakiishii ku guuleystay inay dagaalka joojiyaan.
Si kastaba arintu ha ahaa in mudo ah ayey qalalaaso ka taagneyd dariiqa isku xira xamar iyo afgooye halkaas oo ay maleeshiyo beeleedyada sita dharka dowlada ku baartaan shacabka mara jidkaas asaga ah ayagoo dadka ka furta wax walba oo ey sitaan.
Daafeet.Com