Ciidamo jabuutiyaan ah oo la wareegey gacan ku heynta qeybka ka mid ah magalada baledweyne

0
70

Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa gaaray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay horay saldhigyo ugu lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in talaabadan ay kula wareegeen sugida amniga xaafadda Howl-wadaag tahay mid qeyb ka ah howlgalka ay u socdaan oo ah in ay la wareegaan guud ahaan amiga magaalada Baladweyne oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Saraakiisha Midowgga Africa ayaa horay u sheegay in dhamaan qeybaha dalka ay hadda ka joogaan ciidamada Itoobiya lagu wareejin doono ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamada dowladda Itoobiya howlgalkooda ku sii balaariyaan qeybaha dalka ee wali ku sii harsan gacanta Xarrakada Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay imaashaha ciidamada Jabuuti ee dhawaan gaaray magaalada Baladweyne, waxaana marka aad la sheekeysato dadka intooda badan kuu sheegayaan in ugu yaraan ciidamadani yihiin kuwo ay isku fahmi karaan dhinaca luuqada, madaama ay ku hadllayaan afka Soomaaliga.

Daafeet.Com