Diyaarado duqeeyey garoonka diyaaradaha ee kismaanyo

0
53

Diyaarado dagaal oo aan la garaneyn cidda iska leh ayaa maanta duqeymo xooggan ka geystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradaha dagaal ayaa la sheegay in dhowr gantaal ay ku dhufteen garoonka, waxaana illaa imika la garanayn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaysan jirin wax diyaarado ah oo isticmaali jiray mudo dhowr sanadood ah, waxaana sida la sheegay garoonka uu saldhig u ahaa xoogagga Al-shabaab.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay duqeynta iyo weliba hadii uu jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Daafeet.Com