Jeneraal Cabdikariin Yuusuf Dhegabadan ayaa ugu yeeray al-Shabaab inay joojiso dilka iyo dhibaateynta ay ku haayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Dhegabadan oo ka hadlaayay xaflad tababar dhaqan-celin ah loogu furaayay maleeshiyaad Shabaab ka soo goosatay sheegay in maleeshiyada laga doonayo inay iska dhiciyaan ciidamada geesiyaasha uu ku tilmaamay ee Soomaaliya, intii ay dhibaatayn lahaayeen rayidka.
Abaanduulaha wuxuu sheegay in ciidamada ay dalka ka xoreyn doonaan maleeshiyada al-Shabaab, isla markaana aysan uga hari doonin meel kasta oo ay tagaan.
Wuxuu Dhegabadan sheegay in Shabaab ay guuldareysatay oo ay ku fashilantay dagaalka ay kala horjeeddo ciidamada dowladda, isla markaana ay ka badin waysay inay qarxiso shacabka.
Daafeet.Com