Xisbul Islaam oo isku deyeysa iney dib usoo noolaato kolkii ay alshabab awoodeeda wiiqdey

0
93

Madaxii wafaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin ayaa sheegay isagoo la hadlaya BBC inay ka baxeen Xarakada Al-shabaab oo ay ku biireen sannadkii 2010, isagoo sheegay inay soo saareen lix qodob oo ay ku caddeynayaan go’aannadooda.

“Go’aankan aan gaarnay waxaan kala tashanay waxgaradka Soomaaliyeed, kaddib markii aan aragnay in xalaadda dalka ay meel xun marayso, sidoo kalena ay arkeen inay jiraan in diinta Islaamka laga leexday,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin.

Xisbul Islaam ayaa qodobbadii ay bayaankooda ku sheegeen waxaa ka mid ahaa:

1- Waxaan Xakarada Al-shabaab kala laabanay isku-biiriddii iclaamiga ku ekeyd oo lagu doonayay in wax lagu xalliyo, balse ay wax ku xallismi waayeen.

2- Waxaan caddeynaynaa inaan kuma manhaj, siyaasad iyo maamul ahayn Xarakada Al-shabaab.

3- Xisbigu wuxuu qaatay barnaamij siyaasadeed oo uu kula xaajoojinayo cid kasta oo ka shaqeynaysa ama wadda danta iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

4- Xisbigu wuxuu baadigoob dheer u geli doonaan in lasoo celiyo midnimada ummadda Soomaaliyeed

5- Xisbiugu wuxuu aamisan yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka

6- Ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan waxaan u argnaa inay yihiin kuwo si sharci-darro ah ku jooga.

Mas’uulkan oo la weydiiyay inay dhici karto inay dagaal kala kulmaan Al-shabaa ayaa sheegay in xilligan aysan Al-shabaab u muuqan kuwo weerar kusoo qaadi kara, isagoo ka cudur-daartay inuu sheego magacyada mas’uuliyiinta go’aankan la qaba sababo jira awgood.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin go’aanka uu ku dhawaaqay mas’uulkan Xisbul Islaam ka tirsan, kaasoo uu ku sheegay inay ka go’een Al-shabaab, ayna ka go’an tahay inay maamulkooda dib u soo ceshadaan.

Daafeet.Com