Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu mas’uul ka tirsan Xisbul Islaam ku sheegay inay kaga baxeen midowgii ay horay ula galeen Al-shabaab.
Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in midnimadooda ay tahay mid ay ku difaaci doonaan af iyo adin, isagoo carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay ka hortagaan cid walba oo doonaysa inay kala furfurto Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenkan Al-shabaab u hadlay ayaa sheegay in xubnahan hadalkan sheegay ay uga dan leeyihiin inay kula gorgortamaan gaalada, si ay jagooyin uga helaan, balse ay iyagu taas ka hortagayaan oo ay si adag uga horjeedaan in midnimadooda la kala dhantaalo.
Sidoo kale, afhayeenka howgallada ee Al-shabaab wuxuu hadalkiisa ku daray inay awoodooda Al-shabaab sidii hore kasii xoogeysatay ayna dagaal kula jiraan ciidamo ka socda lix dowladood, isla markaana haatan dhar-baaxo xooggan u geysanayaan ciidamada ay la dagaalamayaan.
Warka kasoo baxay Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor uu ku dhawaaqay madaxii wafaafinta ee Xisbul Islaam isla markaana ahaa afhayeenka kooxdaas inay ka laabteen midowgii ay Al-shabaab la yeesheen sannadkii 2010.
Daafeet.Com