Cabdiweli gaas oo qudbad ka jeedin doona 27 bisha xarunta qaramada midoobey

0
84

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan New York oo uu ka qeybgalayo shirka Qaramada Midoobey ee Golahiisa Guud ayaa kulamo la qaatay Madax ka kala socotay waddamada Adduunka oo uu kala hadlayey xaaladda waddanka, isbedelkii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo doorashadii Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo farriin uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Kenya, HE Mwai Kibaki, Madaxweynaha Northern Cyprus ee Turkiga, HE. Dr Dervis Eroglu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway HE Mr. Heikki Holmas.

Madaxweyne Kibaki ayaa hambalyo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali iyo dhameystirkii xilliga KMG ah isagoo ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Abdiweli inuu hoggaan suuban la yimid oo suurtogelisay in Soomaaliya uu ka dhaco isbedel demoqraadiyad ah. Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab iyo xiriirka labada shacab ee dhanka dhaqaalaha iyo horumarka, iyagoo xusay in Somalia oo nabad ah ay ka dhigeyso geeska Africa nabad.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway HE Mr. Heikki Holmas ayaa waxey ka wada hadleen sida ay Norway uga qeybqaadan karto isbedelka iyo horumarka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka codsaday Norway inay dib u dhiska dalka iyo sidii hay’adaha Dowladda loo dhisi lahaa ay ka qeybqaataan, isagoo xusay in saacidaada toos loo siiyo NGO-yada ay keeneyso inay wiiqdo awoodda dowladda.

HE. Dr. Dervis Eroglu: Madaxweynaha Northern Cyprus ee Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay daneynayaan in Somalia iyo Northern Cyprus uu xiriir wanaagsan dhex maro oo ay ka saacidaan Somalia arrimo fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa lagu wadaa inuu uu khudbad taariikhi ah ka jeedin doono Golaha Guud ee QM maalinta 27ka September 2012, isagoo sidoo kale sanadkii hore khudbad taariikhi ah halkaas ka jeediyey.

 

Daafeet.Com