Degmada wadajir oo lagu qabtey xaflad lagu sagootinaayo maddaxweynihii hore laguna soo dhaweynayo midka cusub

0
83

Waxaa maanta xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdihos lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaflada oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo hadal-qaaday xaaladaha amaan-dari ee maalmihi lasoo dhaafay ka jiray Muqdisho kuwaasoo isugu jiray dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah, isagoo tacsi u diray dhammaan ehelada iyo asxaabta dadkii Soomaaliyeed ee ay ku jireen suxufiyiinta ee ku dhintay rabshadaha taagan.

Mudane Cumar Filish ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare samatabixin kara shacabka Soomaaliyeed, kana soo bixi kara howsha loo xil-saaro.

Xildhibaan Cabdiwali Sheekh Muudeey oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaankii KMG ahaa ayaa ku amaanay maamulka degmada Wadajir horumarka xagga ammaanka ah ee ay degmada ku talaabsaday, isagoo dadka deegaanka ka codsaday inay maamulka la shaqeeyaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) oo hadal dheer ka jeediyey munaasabadda ayaa u hambalyeeyay kooxda deegaan ee dalka Jabuuti oo xafladda kusoo bandhigtay heeso guubaabo ah.

Axmed Daaci ayaa ku amaanay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed shaqada uu ka qabtay amniga gaar ahaan Muqdisho, wuxuu tilmaamay in shaqadii uu qabtay ay suurogelisay in dalka markii ugu horreysay muddo 42 sano ah lagu qabto doorasho madaxnimo oo xor ah.

Munaasabaddan ayaa waxay noqnoaysaa tii ugu horreysay nooceeda oo Muqdisho lagu qabto iyo tii ugu horreysay ee lagu sagootiyay madaxweynihii hore ee Somalia laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee doorashadii madaxweynenimo ee dalka ku guuleystay.

Daafeet.Com