Maraakiib nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.
Gantaallada ay soo tuureen Maraakiibta ayaa intoodii badnayd ku dhacay dhul bannaan, waxaana wararku ay sheegeen in mid kamid ah gantaalladaasi uu ku dhacay Dekadda Kismaayo iyadoona la sheegay in burbur uu gaarsiiyay mid kamid ah dhismayaasha ku yaal marsadda magaalada Kismaayo.
Ilaa imika lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen duqeymahaasi, waxaana xiriiro kala duwan oo aan la sameynay dad goobjoogayaal ah ay inoo xaqijiyeen in duqeymaha ay ku dhaceen dhul bannaan oo ku yaal xeebta xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo.
Shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ayaa walaac ka muujiyay Duqeymaha ay dowladda Kenya ka geysato gobollada Jubooyinka, kuwaasoo inta badan ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.
Daafeet.Com