Ban Ki-Moon oo beesha caalamka weydiistey in kor loo qaado gargaarka loo fidiyo dalka somaliya

0
73

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ammaanay horumarka dhinaca dimuqraadiyadda ah ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya, isagoo beesha caalamka ugu yeeray inay sii wadaan gargaarkii ay siin jireen Soomaaliya.

Ban ayaa hadal uu ka jeediyay kulan looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay New York ka sheegay inaan la joojin xilli waqti la lumiyo, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay weli la-lagdamayaan xaalado bani’aadmanimo iyo ammaan-darro.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga, ra’iisul wasaaraha xilligiisu dhammaanayo ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali, iyadoo uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isaguna kaga qayb galay dhinaca taleefoonka la iska arko.

Sidoo kale, xoghayaha guud wuxuu baaq adag u jeediyay calaamka, isagoo kula taliyay inay si dhaqso ah ay u laba-aabaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda Somaaliya kula taliyay in hay’adaheedu ay qaadaan mas’uuliyadda nabadda lagu soo celinayo, ayna ku shaqeeyaan habab dimuqraadi, cadaalad iyo dal-dhisid isugu jirta.

Intii uu socday shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya shalay oo Arbaco ahayd, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu hambalyeeyay madaxda Soomaalida horumarkii lagu tallaabsaday, isagoo ka codsaday in howlaha yar ee haray lagu dhameystiro bilaha soo socda.

Daafeet.Com