Howlgalo laga sameeyey magalada muqdisho oo dhaliyaro tira badan lagu soo qab qabtey

0
61

Howlgallo Baaritaanno oo ay ka sameeyeen Ciidamada Dowadda Soomaaliya Maalmihii ugu dambeeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir isla markaasina ay ku soo Qabqabteen Dad aad u badan ayaa Maanta waxaa Saxaafadda u soo bandhigay Hey,adda Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya.

Qaliif Axmed Ereg Taliyaha Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka Warbixiyay Tirada Guud ee Dadkii ay Howlgalladaasi kusoo Qabqabteen ,isagoo sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 180 Ruux oo u badan Dhalinyaro .

Waxaa uu tilmaamay in 30- kamid ay Dadkii ay soo qabteen ay sii daayeen ka dib markii ay wax Dambi ah ku waayeen halka 150-ka kalana ay ku Cadaatay in ay xiriir La,leeyihiin Ururka Al-shabaab sida uu tilmaamay.

Taliyaha Nabad Sugiida Dowladda Soomaliya Qaliif Axmed Ereg ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in xiriir Wanaagsan uu kala dhexeeyo Ciidanka Booliska ee AMISOM isla markasina ay garab ku siiyeen Howlgallada ay Mudooyinkan ay ka wadeen Magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com