Maddaxweynaha dalka somaliya Xasan Sheekh oo sheegey inuu soo magacabi doono reysulwasare karti leh

0
57

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo taleefoonka la iska arko uga qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo xalay ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan afarta sano ee soo socota sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

Xasan Sheekh ayaa khudbad uu shirkaas ka jeediyay ku sheegay in dowladda uu soo dhisi doono ra’iisul wasaaraha uu magacaabayaa ay noqon doonto mid karti iyo awood u leh inay dhaqaalaha dalka dib u soo noolayso, sidoo kalena ay ammaanka xoojiso.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in dhibaato muddo dheer ah kaddib la sameeyay jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya, isagoo xusay inuu ballanqaadayo in dowladda uu hoggaaminayo ay noqoto mid howsheeda u billowda hab cusub oo billow ah.

“Ra’iisul wasaaraha aan dhawaan soo magacaabi doono wauxuu hoggaamin doonaa dowlad federaali ah oo karti leh taasoo leh hay’ado shaqeeya oo soo nooleeeya dhaqaalaha dalka iyo bulshada, keenana nabadgalyo iyo dib u hagaajin oo wax walba ku dhameysa wadahadal kuna shaqeysa cadaalad iyo sharci,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dammbeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka dalbaday beesha caalamka in gargaarka ay Soomaaliya ugu talogaleen uu noqdo mid toos ah oo aan lasoo marin hay’ado kale, isagoo sheegay in Soomaaliya ay iyadu awooddo in dhaqalaaha loogu talogalay ay maamulato.

 

 

Daafeet.Com