Maxkamad ku taala magalada baydhabo oo xukun ku ridey dhallinyaro la sheegey iney ahaayeen alshabab

0
60

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay ay maxkamadda ciidamada qalabsida faraceeda Baydhab ay ku ridday xukunno kala duwan.

Col. Mahad ayaa sheegay in dagaalyahannada la xukumay ay tiradoodu ahayd toddoba, kuwaasoo dambiyadii loo haystay loo markhaatiyaan cad-cad markaas kaddibna ay maxkamaddu ku ridday xukunno xabsi ah oo u dhexeeya lix illaa siddeed sanadood.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay inay xabsiga ku jiraan xubno kale oo lagu soo qabqabtay howgallo magaalada laga sameeyay, kuwaasoo qaarkood loo haysto inay ka fuliyeen magaalada qaraxyo iyo dilal qorsheysan, dhawaanna lasoo taagi doono maxkamadda, haddii dambiyadu ku cadaadaanna la xukumi doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya faraceeda Baydhabo ay xukunno ku riddo dad loo haysto falal ammaan-darro oo ay ka geysteen magaaladaas, waxaase horay ay u xukuntay kotomeeyo ruux oo isugu jiray xubno Al-shabaab ka tirsan iyo ciidamada dowladda oo dambiyo lagu helay.

Daafeet.Com