Tarsan oo ka hadley isbaaroyinka yala wadada isku xirta balcad iyo muqdisho

0
149

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa u soo jeediyay ciidamada dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan isbaarooyinka ku soo badanaya waddooyin ku yaalla Muqdisho.

Guddoomiyaha oo kormeeray suuqyada iyo waddooyinka gobolka Banaadir ayaa xerada Maslax kula hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in uu soo arkay isbaarooyin sharci-darro ah oo yaalla qaar ka tirsan waddooyinka Muqdisho iyo waddada aadda degmad Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowladda ayuu u soo jeediyay in ay amniga magaalada adkeeyaan kana hortagaan isbaarooyinka sharci-darrada ah oo uu sheegay in lacag sharci-darro ah looga qaado dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa mar mar in masuuliyiin in ey indhahooda ku arkaan oo keliya qeybo ka ma ah degmooyinka qaarkood sababtoo ah mudo hatan laga joogo 7 bilood ayaa shacabka demada afgooye ka qeyinayen isbaarooynka yala wadada isku xirta afgoye taasoo ey habeen iyo maalin dhac shacabka ugu geysan jireen ciidamo beeleedyo xiran dereyska dowlada welina ma arag masuul ka hadla arintaa.

Maxaa keeney in hada laga hadlo isbaarooyinka yaala wadada isku xirta xamar iyo balcad oo looga hadli waayey wadada isku xirta afgooye iyo xamar maadaama dowlada ay hor xoreysey gobolka shabeelaha ilaa iyo hadana ey adag tahay in nabad ah loogu safro wadadaa ayada ah oo af isbaarooyinka u ey isbaarooyinka u yaalaa maleeshiyo beeleedyo xiran dareeska dowlada oo aan kasoo jeedin deegaanka.

Daafeet.Com