Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda watigeeda uu dhamaaday C/wali Maxamed Cali Gaas oo dalka dib ugu soo laabtey

0
57

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda watigeeda uu dhamaaday C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa maanta kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay xubno kamid ah Golaha wasiiradiisa.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho saxaafada uu kula hadlay waxaana uu ka hadlay Shirkii Qaramada Midoobay, Dagaaladii Kismaayo iyo Fatahaada wabiga Shabeele ee Gobalka Hiiraan.

Ugu horeyn ayaa wuxuu ka hadlay Shirkii uu kasoo qeybgalay ee kusoo dhamaaday Magaalada New york ee dalka Mareykanka isaga oo sheegay in shirkaasi uu ahaa mid arimo badan looga hadlay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda watigeeda uu dhamaaday C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay Gobalka Jubadda hoose.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uu ugu hambalyeeynayo sida uu sheegay guulaha ay ka gaareen Gobalka Jubadda hoose dagaalka ka socda gaar ahaan nawaaxiga Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay C/wali Gaas fatahaadii wabiga shabeele uu ka geestay Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beladweyne ee Gobalkaasi.

Wuxuu tilmaamay in dadkaasi ay saameynta ku yeesheen fatahaada wabiga Shabeele loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gargaaro.

Daafeet.Com