Maamulka aslhabab ee gobolka shabelaha hoose oo u hanjabey ganacsada gobolka

0
54

Horjoogaha maleeshiyada al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in kooxda ay beegsan doonto ganacsatada iyo shacabka isticmaala deeqaha ay gobolka soo gaarsiinayaan hay’adaha samafalka.

Abuu Cabdalla ayaa ku andacawday in tayada raashiinka ay hay’aduhu bixinayaan uu hooseeyo, isla markaana ay qiimo jebiyaan dalaga u soo go’a beeraleyda gobolka.

Horjoogaha oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta taageerta maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo gobolka soo gelisa raashinkaas deeqaha ah.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmaya xili alshabaab ey awodeeda sii liiqqeyso ayadoo meeshii ey ugu awooda rooneyd ee kismaayo laga saarey isbuucii tegey waxa u hareyna eysan noqon doono wax kasoo gala daqli fiican oo ey kusii wadaan ururka.

Daafeet.Com