Maddaxweynaha dowlada federalka somaliya oo booqasho ku tegey degmada beledweyne

0
64

Madaxweynaha dowlada federalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho maalin ah ku tagaya degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan uu ku fatahay webiga Shabeelle.

Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay inuu ku saabsan yahay sidii uu u booqan lahaa goobaha ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen, isagoo markaas kaddib baaq u jeedin doona hay’adaha gargaarka si loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed.

Ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu soo rogay magaaladaas bandow, kaasoo la sheegay inuu saarnaan doono inta madaxweynuhu uu booqashadiisa ka dhameysanayo.

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago degmo ka tirsan Soomaaliya, isagoo shalay booqday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baydhabo.

Daafeet.Com