Dab xooggan oo socdey ku dhawaad 3 saacadood ayaa xaley qabsadey qeybo ka mid ah saldhiga ciidanka booliska Kenya ee magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi beri Kenya ayaa geystay khasaare badan, iyadoo uu burburiyay dhismaha xarunta.
waxa lagu soo warramaya in dabka uu dhulka la simay gebi ahaan xafiisyada qeybta la dagaallanka argagixisada ee saldhiga, wuxuu kaloo khasaare gaarsiiyay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay saldhiga oo ku yaalla bartamaha magaalada.
Maamulka magaalada Gaarisa iyo saraakiisha ciidanka booliska ee saldhiga ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan waxa dhaliyay dabkaas, iyagoo kaliye sheegay in ay baarayaan arrintaas.
Ma jiraan wax saameyn ah ee uu ku yeeshay dabka shacabka ku dhaqan deegaanka, mana jirto khasaare soo gaaray xaafadaha dadka rayidka ah ee u dhow saldhiga ciidanka booliska.
Daafeet.Com