Warar aynu ka helney Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya halkaasi ay ka sameeyeen howlgalo.
Howlgalka oo ahaa mid ay ku baarayeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ayaa waxa la sheegay in lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan.
Ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay soo qab qabteen dhalinyarada iyadoo warar kalena ay sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay haweneey xalay qarax ka geesatay Magaalada Kismaayo.
Dhalinyarada Reer Kismaayo ayaa lasoo sheegayaa inay soo foodsaartay cabsi xoogan oo ku aadan in ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya ay kula dhaqaaqaan qab qabasho.
Daafeet.Com.