Xaaladda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose aya daggan maanta oo Arbaco kaddib markii ay qaraxyo ka dhaceen shalay gallinkii dambe, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka ciidamada Soomaalida ee ku sugan Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Xirsi (Rufle) ayaa saxaafadda u sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen shan qarax oo ka dhacay Kismaayo ayna ku dhaawacmeen dad shacab ah.
Ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo xoogagga Raaskambooni ee la socda ayaa waxay saldhigyo ka sameysteen, garoonka diyaaradaha Kismaayo, dekedda, xarunta maamulka gobolka, saldhigga booliiska iyo goobo kale oo muhiim ah.
Goobjoogayaal kale oo Kismaayo ku sugan ayaa iyaguna sheegay inay xaaladdu tahay saakay mid aad u daggan, ayna gudaha magaalada ku sugan yihiin ciidamadii dowladda iyo kuwa caawinaya ee Kenya.
Daafeet.Com