Afhayeenka ciidanka Amisom Cornel Cali Adan Xamud ayaa maanta shir jaraaid ku qabtey magalada muqdisho waxaana uu ka Warbixiyay howlgallada ay Ciidamada Dowladda federalka iyo kawa AMISOM ay ka wadaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo ay dhawaan gacan ku heynteeda ay kala Wareegeen Ururka Al-shabaab .
Afhayeenka waxaa uu sheegay in Xaaladda Kismaayo ay haatan dagan tahay isla markaasi Ciidamada iskaashana ay wadaan Howlagallo ay ku sugayaan Ammaanka magaalada Kismaayo waxaana uu ugu baaqay Ciidamada in ay ilaaliyaan Hantida Shacabka iyo sidoo kale inaysan Dhibaateyn Shacabka.
Waxa uuna baaq u diray Dhaliyarada ka tirsan Ururka Al-shabaab in ay Hubka iska dhigaan islamarkaana ay ka mid noqdaan Shacabkooda isagoo tilmaamay in ay Ammaankooda iyaga ay Damaanad qadi doonaan.
Hadalka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhawaan Ciidamada iskaashana ay si buuxda ula wareegeen Gacan ku heynta magaalada Xeebta leh ee Kismaayo.
Daafeet.Com