Afhayeenka ururka alshabab oo ka hadley qabsashada kismaanyo

0
60

Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM dadaali dheeri ah iyo jab fara badan ay usoo mareen qabsashada Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedada Kenya ciidankeeda ay usoo galeen gobalada Jubbooyinka ay tahay gurashada qeyraadka dhulkaasi kujira.

Wuxuu sheegay inaysan marnaba ka aqabali doonin in qeyraadka dalka in la gurto ayna la dagaalamayaan ciidamada Kenya eyna mar walba u taagan yihiin sidii ey ula dagaalami lahaayeen.

Ugu dambeyn Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa shacabka reer Jubbooyinka wuxuuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka islamarkaana ay iska celiyaan ciidamada Kenya ee kusoo duulay Gobalada Jubbooyinka.

Si kastaba arintu ha ahaatee hanjabaada kasoo yeertey alshabab ayaa ah mid eynu beryahan dambaba maqleyney taasoo aan wax intaas dhaafsisan kasoo bixin mararka qaarkoodna ku dhamaata meel yar oo la isku qarxiyo.

Daafeet.Com