Guddomiyaha barlamanka federalka Prof Maxamed Cisman oo dadaal ugu jira siduu barlamankii hore ugu soo celin lahaan hantidooda

0
74

Guddoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu raadis ugu jiro dhammaan xuquuqdii ay lahaayeen mudanayashii baarlamaankii KMG-ka ahaa.

Prof. Jawaari ayaa tilmaamay in markii xilka guddoomiyennimo loo magaacabay uu durbadiiba u yeeray wasiirka maaliyadda si uu arrintan ugala hadlo, waxaana uu sheegay in baarlamaankii hore lagu leeyahay 4 milyan doollarka Mareykanka oo deyn ah, taasina ay u istaagayaan sidii dib loogu soo celin lahaa xuquuqdoodii deentana looga bixin lahaa.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bixin doonaan lacagtaasi, isagoo baarlamaankii hore ku dhiirra geliyay in sumcadoodii hore ay ku dhexyeelan doonaan baarlamaanka cusub.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalkan kasoo yeerey gudoomiyaha baarlamaanka federaliga ayaa ah mid kolkii horaba taagnaa balse waxaa haboon in mar mar la is weydiiyo su’aasha ah sidee loogu lahaadey barlamankii hore deyn 4 milyan oo dollar ah yayna ka densadeen oo ka sugaya?  mise waa boob kaloo hor leh oo loo geysanayo hantida qaranka.

Daafeet.Com