Augustine Mahiga oo shir jaraaiid uu ku qabtey kenya kaga hadley arimaha somaliya

0
74

Wakiilka Xoghayaha guud ee arrimaha Somalia, danjire Augustine Mahiga ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in Soomaaliya ay ku socoto horumar.

Danjire Mahiga ayaa xusay in wax walba oo dhaca ay dowladda Soomaaliya mas’uul ka tahay isla markaana loogaga dambeynayo, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay tahay magaalo uu ka jiro xafiiltan dhinaca beelaha ah.

Ergaygu wuxuu sidoo kale ka hadlay isbedelka ay ku socoto Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid muuqda oo la taaban karo, isagoo sheegay in dowladda cusub ay horyaallaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii ay amaanka dib ugu soo celin lahayd.

Sidoo kale, danjire Mahiga ayaa sheegay in magaalooyinka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsanayaan Al-shabaab ay qayb ka yihiin horumaarada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu ammaanka dalka oo dhan ku noqon lahaa mid hagaagsan.

Danjire Mahiga, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay 40 saacadood kaddib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya isku dayeen inay dilaan, balse uu ka badabaaday isku daygaas, taasoo uu sheegay inay tahay midda keentay in madaxweynaha Soomaaliya uu muhiimadda koowaad, tan labaad iyo tan saddexad siiyo wax ka qabasahada ammaanka.

Daafeet.Com