C/naasir Seyraar oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Ururka Raaskambooni ayaa shaagey in ay wadaan baaritaanno ku aadan wax ka qabashada Xaaladda Ammaan ee Magaalada Kismaayo si ay u xaqiijiyaan ammaanka magaalada.
Waxaa uu intaasi ku darey in ay jiraan Rag ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya isla markaasina ay ku socdaan baaritaano si dambigoodu loogu qaado waxaa uu sheegay in qofkii dambi lagu waayo la,sii deynayo .
sidoo kale waxaa uu ka hadlay Wararka sheegaya in Ciidamada Dowladda ay Magaalada Kismaayo ka geystaan falaal Dilal ula kac ah isagoo hadlakaasi beeniyay.
Waxaa uu sheegay in uusan ka war qabin ilaa mininka cid si ula kac ah ay dil u dileen Ciidamada Dowlada isagoo sheegay in qofkii ay ka shakiyaan Gacanta kusoo dhiga si dambigoodu loogu qaado.
Daafeet.Com