Maddaxweynaha dowlada federalka somaliya oo kulan la yeeshey xubnaha ugu cad cad xilka reysulwasarenimada

0
61

Madaxweynaha dowlada federalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay saddex murashax oo ka mid ah 11 xubnodod oo lasoo xulay labaatameeyo xubnood oo xilka ra’iisul wasaaraha u taagnaa, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu ra’iisul wasaaraha ku dhaawaqo inta lagu gudo jiro 48-ka saacadood ee soo socda.

Murashaxiinta ugu cad-cad ee uu madaxweynuhu la kulmay ayaa waxay kala yihiin: Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deggen dalka Kenya, kana mid ahaa xubnihii wax ka dhisay xisbiga Rajo iyo xisbita nabadda iyo horumarka ee uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya.

Cali Ciise Cabdi oo isna ah mas’uul horay uga soo shaqeeyay Bankiga Adduunka isla markaana deggen dalka Itoobiya, waxaana mas’uulkan olole ugu jira inuu xilkaas qabto maamulka Khaatumo oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnahan wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah mas’uul in badan siyaasadda kusoo jiray, waxaana lagu xusuustaa inuu sare u qaaday xiriirka Puntland iyo dalalka kale ee caalamka markii xilkan loo magacaabay.

Xubanahan saddexda ah ayaa waxay ugu cad-cad yihiin 11 xubnood ee madaxweynaha uu kasoo saaray xubnihii tirada badnaa ee damaca uu kaga jiray qabsahada xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Daafeet.Com