Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helney demada wanleweyn ayaa sheegaya in ciidamada dowlada federalka iyo kuwa amisom ay u ruqaansadeen dhinaca wanleweyn taasoo ku kaliftey in ey ciidamada alshabab ey isga baxaan magalada gudaheeda.
Ciidamadaas ayaa hor kacaya gudoomiyaha cusub ee degmada wanlaweyn Isaaq Maama Aliyow ayagoo caawa ku hoydey albaabka hore ee degmada wanleweyn ayagoo la filaayo in ey berito subixii ey gudaha u galaan magaalada.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ugu baaqayaa dhamaan dadka ku dhaqan degmada wanleweyn in ey la shaqeeyaan ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ee doonaya iney ka xoreeyaan maleeshiyada alshabab, xoogana ey saaraan sidii looga saara lahaa amaba looga nadiifin lahaa dadka dhibta ku haya degmada.
Wuxuu kaloo dhaliyarada ugu baaqayaa in ka shaqeeyaan sidii ey degmadooda wax ugu qaban lahaayeen niyadoodana ka saraan fikrada qalifsan ee lagu aqriyey oo ah in dhibaateeyaan dadkooda iyo degmadooda, kuna dadaalaan iney wax bartaan si u ey hantaan dib u dhiska iyo dib u dejinta dadkooda.
Daafeet.Com