Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe ee dowladda Soomaaliya Faarax Haybe Xaaji oo la hadlay warbahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowladda aysan jirin dhac ay ugeestaan shacabka Degmadaasi.
Wuxuu sheegay inay hada qorsheyanayaan sidii ay isugu furi lahaayeen dhamaan tuulooyinka u dhaw dhaw Badhaadhe si nabadgalyo ah.
Faarax Haybe ayaa sheegay in maamulka Degmada Badhaadhe uu dadka deegaanka siiyo daawooyin iyo sidoo kale sameynta ceelal biyood oo ay dadku ku anfaacsadaan.
Waxaa beryahan dambe ey ka cabanyeen dadka ku dhaqab degmada badhaadhe ee Gobalka Jubadda Hoose dhac ey geystaan ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya.
Daafeet.Com